Dowladda Ukraine ayaa Jimcihii shalay soo celisay qeyb ka mid ah awooddeeda tamarta.
Inkastoo weli ay koronto la’aan yihiin malaayiin ruux oo wajahaya mugdi iyo qaboow aad u daran, kaddib marki ay ciidanka Ruushka duqeymo cirka ah ku burburiyeen warshadaha korontada.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku boorriyay dadka reer Ukraine, in ay korontada beekhaamiyaan oo aysan wax walba u adeegsan, haddiiba ay koronto helaan.
Wuxuu sheegay in 6 milyan oo ruux ay wali koronto la’aan yihiin.
PUNTLAND POST