
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay Al-shabaab ka saartay degaanka Ceel-dheere oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaraddda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka ay si buuxda ula wareegeen degaankaas
In ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ayay dowladdu sheegtay in Al-shabaab looga laayay hawlgalkaas oo taageero dhinaca cirka ka helay saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada dowladda ee ku saabsan in xubno badan oo kooxdaas ka tirsan lagu laayay hawlgalka Ceel-dheere.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.