Dagaal saaka ka dhacay degaabka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Dagaal ayaa saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ku sugan, kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Darawishta Galmudug, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka.

Weerarkan oo ku biloowday qarax ayaa ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah, iyada oo ilo ku sugan magaalada Baxdo oo u dhow deegaanka Qaayib ay warbaahinta u sheegeen in Isbitaalka magaaladaas la keenay dhaawacyo.

Warbaahinta dowladda ayaa dhinaca kale sheegtay in ciidamada xoogag iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen sadex qarax oo ‘Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.

PUNTLAND POST