Booliiska Gobolka Nugaal oo xoojinaya La-dagaallanka Ka Ganacsiga Maandooriyaha

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgalada socda.

Kulanka waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego  iyo Taliyaasha saldhigyada magaalada.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna Xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo Argagixisada si looga hortago.

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, si wada jir ah waxa kaloo warbxiin ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST