Waxaan rabaa inaan qoraalkan wax yar kaga hadlo dhaqan si baahsan bulshada reer Puntland uga hirgalay. Waa dhaqan keenaya waxyeello, dib u dhac, hoggaan xumo, isla xisaabtan la’aan iyo inaan shakhsigu ma’suuliyadda saaran qaadan ama garowsanba.
Waa dhaqan saameyn weyn bulshada ku yeeshay oo ku salaysan habdhaqan iyo sida dadka dareenkiisa iyo fikirkiisu u qaabmay kaas oo ah: ‘dadku yuu ku eersane, arag, maqal oo afkaaga xiro’ (see no evil, hear no evil, say no evil).
Bal aynnu wax iska weydiinno dhibaatooyinka iyo dib u dhaca uu dhaqanka noocaas ahi bulshada maanta iyo jiilasha dambeba u horseedi karo. Dhibta dadka qaarkiis u muuqata ee dhaqanka noocaan ahi bulshada ku hayo waxa weeye inay adagtahay amaba suurtagal ahayn in wax la saxo oo isbeddel yimaaddo waayo cidna wax looma sheegi karo. Taas oo macnaheedu yahay inaan dadku ku dhiirran karin inay ka hadlaan waxa danta guudi ku jirto ama bulshada waxtar u leh. Aniga waxay ila tahay in arrintani ku salaysantahay CABSI (FEAR) ha ahaato mid run ah oo dadku arkeen ama mid shakhsi ahaan iyo bulshadu guud ahaanba iska aamineen inay jirto. Cabsidu waxay noqon kartaa mid la xiriirta ammaanka shakhsiga ama bulshada uu ku dhex noolyahay amaba waxay noqon kartaa mid loo arko in dano gaara lagu waayayo haddii wax la saxo ama isbeddel yimaaddo.
Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxa ugu weyn ee ay adeegyada ay dadweynaha u bixiyaan ku saxaan ama waxa kaga beddelaan hawlahooda waxaa ugu horreeya in shacabka la dhegeysto lana tix geliyo aragtiyahooda. Sidoo kale, shaqaalaha hawl-wadeennada ahi inay iyaga dhexdoodu ku dhiirran karaan inay isa-saxaan iyadoon dantaada ilaasho, shakhsi nacayb iyo jifo qof ka soo jeedo aan laga duulayn. Marar qaarkood waxay hawsha la qabanayo iyo adeeg la bixinayaa ku dayacmaan ama wax ka dheefidda adeegayadu ku yaraataa waa tayada hawl-wadeennada, is-xilqaanka iyo wax ogaanshaha jiraa intuu le’egyahay.
Haddaba, maxaa dhacaya haddaan waxba la sixi karin? Waa maxay cawaaqibkeennu haddii aynaan ku dhiirran karin inaynnu ka hadalno wax khaldan ama wax la toosin karo. Maxaa isbeddelaya haddii aynaan ka hadlin sida lagu dhaqmo si dhaantaa inay jiri karto oo dadka uga faa’iido roon iyo wax qabadka wanaagsan ee horumarka keeni kara?
Dhaqankan foosha xumi wuxuu ku salaysanyahay waxaa weeye haddii la isku dayo in wax la saxo waxaa la dhaawacayaa ama wax loo dhimayaa shakhsi ama jifadiisa. Waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘ego’.
Haddaba, goormaa laga gudbayaa hal ku dhigyada ah: ‘War meeshaan la iskama hadlo’ ‘Hoy afkaaga xiro’ ‘Waad uga sii daraysaa’ iyo ‘Waxaa lagu dhahayaa reer baa duullaan lagu yahay’?
Tusaale, ahaan maalintii Isniinta – 21/11/2022, waxay ahayd maalinta barayaashaa ama macallimiinta Soomaaliyeed la xuso. Xusiddu waa inay tahay mid macno ku fadhida oo bulshadu dareensantahay, ardaydana loo sameeyo barnaamijyo iyo qoraallo muuqaal ah oo ay barayaashooda ku xusuustaan inay xurmeeyaan ayna yihiin kuwa iftiinka u ah aqoonta iyo waxbarashada ay ku horumari doonaan. Bulshaduna aysan jiri karin haddaan la helin aqoon iyo cid dadka u gudbisa. Sidoo kalena, in maalintaasi tahay mid
barayaasha/macallimiinta lagu xusuusinayo waajibaadkooda iyo kaalinta aasaasiga ah ee ay ka qaataan horumarka bulshada. ‘AQOON LA’AANI WAA IFTIIN LA’AANE’
Haddaba waxaa is-weydiin leh in sida bisha Soonfur loo sugo inay dhalato, in galabnimadii dambe ee Axadda dugsiyada iyo goobaha waxbarashada lagu wargeliyay inay xiraan dugsiyada maalinta Isniinta ah si loo xuso. Ma la is-weydiiyay inta arday oo masaakiin ah oo nolosha la daalaa dhacaya oo bajaaj lacag ama baabuur ku soo raacay ama lug ku yimid oo iskuulladii oo xiran subaxnimadii soo hor-istaagay? Ma la is-weydiiyay inta subaxnimadii hore dugsi-aadis u toosay oo labbis iyo canjeelo loo diyaariyay iyaga iyo waalidkood oo aan ka warqabin in dugsiyadii xiranyihiin?
Miyaan la awoodin in toddobaad, dhowr maalmood, laba maalmood ama hal maalin ka hor wareegtadaasi soo baxdo si ardayda iyo waalidiintooda horay loogu sii sheego?
Haddii la moodayo in qoys kasta iyo ilmo kastaa internet, mobile iyo Facebook leeyahay ama markiiba war la dhigay baraha internetka arkayaan, boqolaal baan guryahooda nal ka bixin bal internet iyo mobile iska daaye!
Waxaan arrintan u xusay waxaa weeye, waxaa igu adkaatay inaan ‘arko, maqlo, afkana xirto’ in kasta oo la igula taliyay inaan ku dhaqmo sidaas! Waxayna iga tahay wax sixid iyo in sanadka dambe sidan si dhaanta wax u dhacaan haddii Eebbe idmo!
Soomalidu midhaa sideedaba run sheegga iyo wax is-weydiinta dhaqan iyo caado uma laha mana jecla sida maahmaahdani muujinayso: ‘Run sheeg waa balo sheeg’
Waxaa xaqiiqo ah inaan dhaqanka ah: “Arag, maqal oo afkaaga xiro” cidna dan u ahayn, caano lagu maalayn, cawsna ku baxayn’.
Sida caqligu ku jiraa waxaa weeye in wax la isku sheego wixii la sixi karana la saxo iyada oo la is-xurmaynayo, coolaad, cabsi-gelin iyo af-lagaadho toonna la adeegsan. Ujeeddaduna ay tahay wax toosin iyo ka shaqaynta danta guud ee bulshada oo jiritaankeeda iyo horumarkeedu ku tiirsan yihiim. (Constructive criticism).
Qore: Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax