Wasiirka Arimaha dibadda Soonaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Qatar

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliye Abshir Omar Huruse ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee dalka Qatar.

Dowladda Qatar aya Soomaaliya u soo magacaabatay Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi in uu u noqdo Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhindoona.

“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Qatar u fadhin doona dalkeena Soomaaliya, H.E. Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi” ayuu yiri wasiir Abshir Cumar.

Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa ahaa mid wanaagsan sannadihii la soo dhaafay oo ay xilka haysay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST