Xasan Sheekh oo buriyay xeerar la ansixiyay xiligii Farmaajo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo ay ansixisay dowladdii hore ee hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan ayaa xeer madaxweyne ku buriyey xeerka guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka, xeerka guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xeerka hey’ada diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faray xukuumadda in ay soo dhisto xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo federaalka.

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa u qornayd sidan.

BURIN XEERARKA MADAXWEYNE EE KALA AH 40, 41 IYO 42, KUWAAS OO AAN WAAFAQSANAYN HABRAACA DASTUURKA KMG.

Muqdisho, Nofeembar 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo.

MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST