
Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa saaka salaadda janaasada lagu tukaday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.
Salaadda janaasada marxuumka waxaa ka qayb-galay qaar kamid ah isimada waaweyn ee Soomaaliyeed, madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.
Alle ha u naxariistee, Garaadka ayaa maanta lagu aasi doonaa degaanka Sarmaanyo ee Gobolka Sool.
Aaska marxuumka waxaa ka qab-galaya qaar kamid ah isimada Soomaaliyeed oo isaga yimid degaanno kala duwan iyo sidoo kale mas’uuliyiin dowladeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.