
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab sida ay tebisay wakaaladda SONNA.
Ciidamada ayaa Hawlgalkaas ka fuliyay Tuulada lagu magacaabo Dhursheen oo qiyaastii 35km u jirta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.
Wakaaladda SONNA oo xiganaysa mas’uul degaanka ah ayaa sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab.
Labada horjooge ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta Lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka sida ay ku warrantay SONNA.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.