Booliiska Muqdisho oo qabtay in ku eedaysan in uu tacadi ku sameeyay gabar yar

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa xalay gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu tacaddi ku sameeyay gabar aan weli qaangaarin.

Xuseen Xasan Gaabow oo ku eedaysan in uu muuqaallo ka duubay gabar yar ayaa lagu qabtay degmada Kaaraan sida laga soo xigtay Booliiska.

Gaabow ayaa loo haystaa in uu barta Tiktok ku faafiyay muuqaallo uu ka duubay gabadha yar oo uu daroogo siiyay.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaan ku socdo eedaysane Gaabow islamarkaana sharciga la hor-gayn doono.

PUNTLAND POST