Diyaarad layr la’aan uga degi-waysay garoonka diyaaradaha Garoowe

Diyaarad ka timid Muqdisho ayaa caawa maqribkii kaddib ku degi-wayday garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay u dagi-waysay garoonka oo layr la’aan ah darteed, waxayna markii dambe dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa siday wafdi ka qaybgeli lahaa aaska qaran ee berri oo isniin ah loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmo ka hor ku geeriyooday Garoowe.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoowe oo shaqaynayay tan iyo 2018 ayaa weli lagu guuleysan in uu shaqeeyo xilliga habeenka.

PUNTLAND POST