Booliska Puntland oo ka hadlay howlgal ka dhacay Garoowe

Booliska Puntland ayaa ka hadlay howlgal ka dhacay Garoowe oo lagu qaaday rag hubaysan oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha khamriga.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay caawa howlgal qorsheysan ku qaadeen koox cabtooy ah oo qeyb ka ahaa kooxo muddooyinkii la soo dhaafay amni daro ku hayay ammaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka tirsan kooxaha cabtooyda oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen, hub iyo gaari khamri lagu waday, sida uu sheegay Booliska.

Sidoo kale hawlgalka waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo haweenay ah iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska, waxaana iminka lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada Garoowe.

Booliska Puntland wuxuu sheegay in howlgallada noocaan ah ay si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaan magaalada Garoowe inta laga soo afjarayo cid kasta oo ku lug leh falalka amni darro iyo ganacsiga daroogada.

PUNTLAND POST