XOG: Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaqaale badan u qortay si daah-furnaan la’aan ah

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaqaale badan u qortay si ka baxsan hannaanka shaqaaleysiinta rasmiga ah ee tartanka furan.

Dhammaan shaqaalaha cusub ayaa loo qoray hannaan ku dhisan xulasho waxaana qayb-saday sagaalka xubnood ee guddiga TPEC iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda sida aan baaritaan ku ogaannay.

Baaritaanka ayaa sidoo kale muujinaya in shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland ay keensadeen carruur ay dhaleen iyo dad ehelkooda ah kadibna uu guddiga TPEC u shaqaaleysiiyay.

Qorista shaqaalaha aan marin hannaanka rasmiga ah ee tartanka furan ayuu weli sii wadaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland xilli dhowaan lagu wado in uu bilowdo barnaamijka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha.

Muwaadiniinta reer Puntland ee shaqa la’aanta ah ayaa naawilayay in ay tartan furan u galaan shaqooyinkii ka bannaanaa guddiga balse ay qabsadeen xubnaha TPEC iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda.

“ Waxaa jirtay in aan marar badan isaga daba noqday TPEC oo aan shaqa ka raadinayay waxaase booskii lagu qoray will uu keensaday xildhibaan” ayuu noo sheegay mid kamid ah dhalinyarada waxbartay ee shaqa-raadiska ah.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uu sannadihii hore uu xayaysiin jiray shaqooyinka islamarkaana tartan furan loo geli jiray balse uu dib ka beddelay hannaankii hore.

Arrintaas ayaa su’aal gelinaysa kalsoonida lagu qabi karo doorasho uu qabto guddiga TPEC marka loo eego daah-furnaan la’aanta ka jirta hannaanka shaqaaleysiinta guddigaas.

PUNTLAND POST