Waa kuwee degmooyinka laga qabanayo doorashada lagu muransan yahay ee Puntland?

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada lagu muransan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray goobaha diiwaan-gelinta 37 degmo oo 9 ka mid ah ku yaallaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland. Sidoo kale waxaa ku jira degmooyin maalmo ka hor laga soo cayriyay guddiga doorashooyinka Puntland.

Gobolka Bari (6 degmo)
1. Boosaaso
2. Carmo
3. Balidhidin
4. Qandala
5. Xaafuun
6. Iskushuban

Gobolka Gardafuu (5 degmo)
1. Caluula
2. Bareeda
3. Baargaal
4. Murcanyo
5. Gumbax

Gobolka Karkaar (6 degmo)
1. Bandarbayla
2. Rako
3. Xumbays
4. Dhudhub
5. Shaxda
6. Waaciye

Gobolka Haylaan (3 degmo)
1. Dhahar
2. Buraan
3. Ceelaayo

Gobolka Mudug (7 degmo)
1. Gaalkacyo
2. Goldogob
3. Buursaalax
4. Xarfo
5. Towfiiq
6. Jariiban
7. Saaxo

Gobolka Sanaag (3 degmo)
1. Badhan
2. Laasqoray
3. Xingalool

Gobolka Nugaal (4 degmo)
1. Garowe
2. Buurtinle
3. Dangoroyo
4. Godobjiraan

Gobolka Cayn (1 degmo)
1. Buuhoodle

Gobolka Sool (2 degmo)
1. Taleex
2. Boocame

PUNTLAND POST