Madaxweyne Laftagareen oo gaaray caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Socdaalka Madaxweynaha Laftagareen ee magaalada Baraawe ayaa ah xaragjarka mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey caasimadda, dhagax-dhiga kuwo horleh iyo dhiiragelinta dadka deeganka iyo qeybaha kala duwan ciidamada ee udiyaar garoobey la dagaalanka Al-shabaab.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe wafdiga Madaxweyne Laftagareen waxaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, duqa xaasimada Baraawe, saraakiisha laamaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada.

PUNTLAND POST