TPEC oo laga cayriyay degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntlad (TPEC) oo waday wacyigelin ayaa galabtay laga cayriyay degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo ka caraysay shaxda soohdimaynta degmooyinka ee dhawaan soo baxday ayay la xiriirtaa cayrinta xubnaha TPEC, sida uu Puntland Post u sheegay Nabadoon Bashiir Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka degmada Murcanyo.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo samaysay shaxda soohdimaynta ayaa is raacisay degaanno aan is lahayn taas oo abuurtay muran dhuleed, halka Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uuu diyaariyay seejooyinka cod-bixinta oo ku salaysan shaxda soohdimaynta degmooyinka ee muranka xooggan dhalisay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maalmo ka hor sheegay in wixii qalalaase ka dhaca soohdimayntaas ay mas’uuliyadeeda qaadayso wasaaradda arrimaha gudaha.

PUNTLAND POST