Dowladda Soomaaliya oo xirtay wadaad lagu eedeeyay in uu fidin jiray fikirka Al-shabaab

Ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray Mustafa Cali Caanood oo lagu eedeeyay in uu fidin jiray fikirka Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ka soo xireen Mustafa Cali Caanood, xilli uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada amniga.

Mustafa Cali Caanood ayaa lagu eedeeyay in fidin jiray fariimo loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in Mustafa la horgeyn doono sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.

PUNTLAND POST