Askari ku dhaawacmay rasaas xalay saq dhexe ka dhacday Garoowe

Cabtooy hubaysan ayaa xalay saq dhexe caasimadda Garoowe ku dhaawacay hal askari sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Kooxda Cabtooyda ah ayaa sida la sheegayo rasaas ku riday guri uu magaalada Garoowe ka dagan yahay Taliyaha C.I.D Gobolka Mudug oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Jaamac.

Rasaasta waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa Taliyaha C.I.D Gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska Garoowe.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in la yaqaan magacyada cidda rasaasta ridday islamarkaana sharciga la hor-keeni doono.

PUNTLAND POST