Inta la xaqiijiyay 4 qof ay ku dhintay 38 qofna waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Qarax ayaa ka dhacay wadada Istiklal ee bartamaha Istanbul oo ah wado mashquul badan oo ay ku yaaliin dukaamo iyo maqaayado, ayna isticmaalaan dalxiisayaasha iyo dadka degaanka.
Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka in qaraxu dhacay abaaro 4:20pm (13:20 GMT), ayna 4 qof ku naf waayeen 38 qofna ku dhaawacmeen.
Muuqaal la soo dhigay internet-ka markii qaraxu dhacay ayaa muujinayay holac baxaya iyo jug xooggan, iyadoo dadka ay kala carareen. Muuqaalo kalena waxay muujinayaan baabuurta ambalaasta, baabuurta dab damiska iyo booliska oo goobta ku sugan. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa sheegay in la xiray goobihii ganacsiga iyo wadada.
Wadada Istiklal oo inta badan ay ka buuxaan dad dukaameysanaya waxaa horey u bartilmaameedsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa sanadkii 2016-kii.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.