Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta soo kormeeray dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka Dalka.
Wasiirka waxa kormeerkaan ku wehlisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheikh.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center).
“Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
PUNTLAND POST