Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa dib ugu soo noqday degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay xalay isaga baxeen Ciidamada dowladda.
Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan waxay mar kale dib u qabsadeen degaanka Wanxo iyo tuulooyinka u dhow.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dib u qabsadeen degaanka lagu magacaabo Burdaar oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Degaanka Burdaar ayaa dhowaan laga saaray kooxaha Al-shabaab inkastoo ciidamada dowladdu isaga baxeen saacadihii la soo dhaafay.
PUNTLAND POST