Jabuuti: Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday kuliyadda lagu tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Jabuuti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Jabuuti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Jabuuti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST