Ciidamada dowladda oo Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadda isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo saldhigyo waaweyn ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

PUNTLAND POST