
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti.
Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa waxaa Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.
You must be logged in to post a comment.