Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay isimo ka yimid Puntland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor la kulmay qaar ka mid ah isimada Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hoggaaminayay isimada uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa malinimadii shalay ee Axad si wada jir ah kulan ula qaadaney Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud. Waxaa Madaxwayne Xassan Sheekh uu warbixin naga siiyey guud ahaan xaaladda dalka waxaanu is dhaafsaney talooyin waxtar u leh danta qaranka”.

“Ugu danbayn waxaan u mahadcelinaynaa Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud sidii qalbi wanaag ahayd ee uu noo sharfey karaamada, qaddarinta uu u hayo dhaqanka Soomaaliyeed, sudoo kale waxaan u mahad celinaynaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jaamac Xasan Khaliif. Waxaan rabbi uga baryaynaa in shaqada culus u fududeeyo isaga iyo xukuumadiisa, waafajiyo talada wanaagsan aamiin” ayaa la raaciyay qoraalka Boqorka.

Isimada ka yimid Puntland oo gaar ahaan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxay kaloo la kulmeen madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo siyaasiyiin.

PUNTLAND POST