Maraykanka oo cambaareeyay tijaaba ay Iran ku samaysay gantaal cusub

Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaaraysay tallaabada ay dowlada Iran ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka hor timid go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Iran looga codsaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balaastiga ah ee awoodda u leh in ay xambaaraan madaxyada Niyukleerka

Ciidamada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in gantaalka uu isgaarsiinta satellite-ka gaarsiin doono meel 500,000 u jirta dhulka

Waxaa haatan hakad ku jira wadahadalladii looga gollahaa in dib loogu soo celiyo heshiiskii dhexmaray Iran iyo quwadaha caalamka kasoo looga hortagayay xoojinta barnaamijka

PUNTLAND POST