
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Maanta saagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aaden Maxamed Nuur oo maalmaham safar shaqa ku joogay Puntland.
Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.