Xog: Madaxtooyada Puntland oo damacsan in la furo Dastuurka

Xog hoose oo aan weli soo bixin ayaa sheegaysa in uu jiro qorshe la damacsan yahay in lagu furo Dastuurka Puntland.

Qorshaha furidda Dastuurka ayaa la damacsan yahay in banaanka la keeno horraanta sannadka 2023.

Xogtan ayaa caddaynaysay in qorshahan ay gadaal ka riixayso Madaxtooyada Puntland oo dana siyaasadeed ka leh.

Ujeedka qorshahan ayaa salka ku haya in la kordhiyo kuraasta Baarlamanka Puntland iyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee soo bixi doona.

PUNTLAND POST