
Jananka ugu sarreeya Ciidamada difaaca Puntland ayaa Khamiistii shaaciyay in ay Somaliland maal-geliso kooxaha Argagixisada ah.
Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland S/Gaas Abshir London ayaa sheegay in Somaliland ay hoy u tahay garab-siinta iyo kala gudbinta Argagixisada Soomaaliya.
S/Gaas Abshir London ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay dhaqaale ku maal-geliso Argagixisada islamarkaana caddayn loo hayo arrintaas.
“Somaliland waxay ku caan-baxday hoyga magan-gelinta Argagixisada. Somaliland ayaa Argagixisada kala gudbisa dhaqaalana ku bixisa waxaan u haynaa caddaymo buuxa” ayuu yiri Gen. Abshir London.
Hadalkaas ayuu ka jeediyay duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool isaga oo la hadlayay ciidamo u dhashay degaankaas oo Ciidamada Puntland ku soo biiray.
PUNTLAND POST