Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Wadada qaraxu ka dhacay

Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxaa inta la xajiijiyay ku dhintay ilaa saddex qof oo labo ka mid ah yihiin caruur, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad toban ruux oo isugu jira shacab iyo askar.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa sida wararku sheegayaan lala eegtay gaari ciidan oo ah nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile, waxaana ciidankii gaarigaas saarnaa gaaray dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale qaraxa wuxuu saameeyay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaateen dad shacabka ah iyo arday wadada maraysay.

Magaalada Mudisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay qaraxyada, xilli ay qaar ka mid ah gobolada dalka ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST