Dowladda Itoobiya iyo Mucaaradka Tigray oo heshiis gaaray

Dowladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ayaa heshiis ku gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika maanta oo Arbaca ah.

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in labada dhinac ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

Waxaa sidoo kale labada dhianc ay ku heshiiyeen inay dhacdo hub ka dhigis marxaladaysan, iyo in gargaarka bani’aadannimo loo furo in dadka la gaarsiiyo, iyo in la soo caliyo adeegyadii dadweynaha.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kadib wadahadallo socday toddodbaad oo ka socday dalkaas, oo ay ka qaybgalayeen ergooyin ka kala socda dawladda Itoobya iyo mucaaradka Tigray.

PUNTLAND POST