Maraykanka: Laba nin oo mudda dheer si qaldan ugu xirnaa dilkii Malcolm X oo magdhaw la siinayo

Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaaraysa illaa $36 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa la siinaya laba nin oo si khalad ah loogu xukumay in ay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah oo la dilay sannadkii 1965-kii.

Kadib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa sannaadkii hore waxaa la caddeeyey in aanay ku lug lahayn dembiga lagu xukumay.

Magaalada New York ayaa bixinaysa $26 milyan, halka gobolka New York uu isaguna bixin doono $10 milyan sida uu sheegay David Shanies oo ah qareenka u doodaya labadan nin.

PUNTLAND POST