Baarlamanka Puntland oo ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare.

Fadhigii saaka ee Baarlamanka Puntland waxaa soo xaadiray 54 mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Maxkamadda sare.

53 xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta xubnaha Maxkamadda sare ee magacaaban hal mudane ayaa ka aamusay islamarkaana cid diiday ma jirin.

Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa sidaas ku helay kalsoonida Baarlamanka waxaana lagu dhaariyay isla fadhigaas.

PUNTLAND POST