Xog: Baarlamanka Puntland oo wada mooshin ka dhan ah guddiga doorashooyinka TPEC

Guux ku saabsan mooshin ka dhan ah guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa sii xoogaysanaya.

Xildhibaann kala duwan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa noo xaqiijiyay in uu socdo guuxa mooshin ka dhan ah guddiga TPEC balse aan weli soo shaac bixin.

Xogo hoose ayaa tilmaamaya in la filan karo 15-ka bisha November ka hor in uu soo shaac baxo mooshin lagu ridayo guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Warkan ayaa ku soo beegnay xilli Ajandaha Baarlamanka Puntland lagu daray in loo yeero guddiga TPEC si loola xisaabtamo.

PUNTLAND POST