Sababta Xal Loogu La’ yahay Colaadda Saaxmeygaag iyo Sangejebiye

W.Q. Liibaan A. Axmad

Colaadda ku salaysan deegaameynta Saaxmeygaag iyo Sangejebiye waxay noqotay mid weli xal loo la’yahay ka sokow dadaallo nabadeed oo la sameeyay.  Haddii ay sidan ku sii socoto waxay reebi kartaa kala-aammin-bax iyo nabad-ku-wada-noolaansho la’aan muddo dheer taagnaan doonta. 

Ilaa hadda guddiyaddii loo xilsaaray xal u helidda colaadda way soo saari la’ yihiin warmurtiyeed labada dhinac – Beesha Boocame iyo Beesha Garoowe –  isku raacsan yihiin.  Hay’adda Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland (PDRC) warbixin ay soo saartay dhowaan waxay ku faahfaahisay marxaladihii nabadraadintu soo martay. Xaruntu waxay abaabushay dib-u-heshiisiin ku salaysan waaya-aragnimadii laga dhaxlay Heshiiskii Gumburka Cagaare (ee Bahararsame iyo Cumar Maxamuud). 

Horumar weyn ayaa laga gaaray wadahadallada loo abaabulay beelaha colaaddu ku dhexmartay Saaxmeygaag iyo Sangejebiye markii guddiyadu go’aamiyeen in labada meelood ka tirsan yihiin Gobolka Sool. Go’aankani ma dhammaystirna waayo Sool waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland oo ciidammadiisu ka qeybgaleen colaad ka dhacday labada goobood.  Sharci ahaan waxay labada dhinac aqbaleen in xuduudda gobolka Sool la dhowro, laakiin lagama hadlin maamulka ay labada goobood hoostagaan. Dhowrista heshiiska waxaa u xilsaaran Gobolka Sool.

Warbixinta PDRC

Habka wadahadallada loo abaabuulay wuxuu leeyahay dhowr iimood oo dib u aloosi kara colaad ba’an.  Dhanka Boocame mar waxaa matalayay siyaasiyiin sida Axmed Karaash (Madaxweyne ku xigeenka Puntland) iyo Cabdixakiim Camey (Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland), halka dhanka Garoowe ay matalayeen Islaan Ciise, Suldaan Garaase iyo odayaal dhaqameedyo kale. Marnaba laguma guuleysan in Saaxmeygaag iyo Sangejebiye inay Puntland ka tirsan tahay lagu heshiiyo.  Caqabaddan waxay la xiriirtaa sida Puntland u sheeganayso Sool oo ka soo jeedda heshiiskii 2016kii dhexmaray Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Gaas (Madaxweynihii Puntland 2014-2019). Heshiiskaas wuxuu meesha ka saaray matalaaddii heer federaal uu dhaqdhaqaaqii Khaatumo haystay (5 xildhibaan) kaddib heshiis Juunyo 2012kii dhacay oo Puntland siiyay inay 3 xildhibaan soo magacawdo, ay ka mid yihiin kuwa Boocame “Baho Nugaaleed”). Heshsiiskii wuxuu ku kallifay Khaatumo inay Somaliland heshiis la gashay 2017, kaddibna taageertay dagaalkii Tukaraq oo ay Somaliland ku sababaysay in lagu difaacayay dadka Koonfurta Sool iyo Tukaraq oo “weerarro joogto ah kala kulmay maamulka Puntland.” Dagaalkaas ayaa keenay in maamulka Somaliland gaaray ilaa Taleex.   

Hay’adda PDRC waxay xigatay Saadaq Garaad oo ah xildhibaan Sool ka soo jeeda oo ku dooday “in labada beelood mid kasta ay dood leedahay, tii ku adkaysata teedana aysan xal doonaynin.” Xigashadan waxay muujinaysaa in PDRC aysan dhexdhexaad ka ahayn nabadeynta waayo Saadaq Garaad wuxuu jebiyay xeerka beeshiisa u yaalla.

Ku kala duwanaanshaha sida xal loo gaarayo

Warbixinta PDRC waxay xustay in beesha Garoowe ay soo jeedisay in diinta Islaamka lagu kala baxo. Beesha Boocame waxay doonaysaa in xeer lagu kala baxo. Xeerka Soomaalidu wuxuu leeyahay qeybo badan oo aan ka hor imanaynin diinta Islaamka tusaale magta, magdhawga, dhaxalka iwm.  Waxaa habboonaan lahayd in guddiyadu weyddiiyaan dhinaca Garoowe cidda ilaalinaysa hirgelinta heshiis diinta Islaamka ku salaysan dadka oo uusan heshiis nabad-ku-wada-noolaasho guud ahaan dhex oollin.  Ma jiro wadaad awood siyaasadeed leh oo dhegta soo qabanaya qofka heshiiska jabiya.

Buugga tusaale u soo qaatay xeer ka mid ah xeerka beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan beel degta Boocame.

Buugga Why Nations Fail waxaa ku qoran tusaale ku saabsan xeerka Soomaalida lana xiriira  beesha Xasan Ugaas (Boocame) inkastoo qoreyaashu si qalad ah u xigteen I M Lewis (buuggiisa Pastoral Democracy) kuna tilmaameen in Xasan Ugaas ka tirsan yihiin beesha Dir.   Xeerka beesha oo 1950kii uu diiwaangeliyay guddoomiye degmo Biritish ahaa waxaa ku jira qodobbo ay ka mid yihiin: “Haddii qof beel kale ka tirsan uu dhaawaco qof Xasan Ugaas ah, magdhawga la siiyana noqdo 33 halaad, toban halaad qofka la dhaawacay ayaa qaadanya, inta hartayna  jiffada (reerka hoose); haddii qof Xasan Ugaas ah uu madal ku aflagaaddeeyo qof kale oo Xasan Ugaas ah, qofka aflagaaddeynta geystay wuxuu bixinayaa 150 shilin.”

 2004tii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusf wuxuu soo jeediyay in ciidammo nabad-ilaalin ah ka badan 20,000 Soomaaliya la keeno. Fekerkiisu wxuu ku qotomay colaaddii koonfurta (gaar ahaan Muqdisho) ka dhacday oo hor istaagtay inay dowladdii Carta lagu soo dhisay shaqayso. Beesha caalamaku waxay rumeystan tahay in colaadda dhabta ahi dhextaallo beelishii Puntland wada samaystay oo aan hadda heshiis ku ahayn maamulka sharciyaddiisa iyo metelaadda uu sheegto.  Siyaasiyiinta Puntland oo ku raadgatay madax-dhaqameedka ayaa mas’uul ka ah in xal loo la’ yahay colaadda Saaxmeygaag iyo Sangejebiye.