Madaxweyne Xasan: Dhimashadu waa 100, dhaawacuna waa 300 ku dhawaad

Waxaa marba marka ka dambaysa kii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo shalay lagu weeraray wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku taalla isgooyska Soobe ee magalada Muqdisho, waxaana jira dad weli meydadka ehelkooda ka baadigoobaya.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay booqday goobtii weerarku ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada oo sii kordhaysa ay hadda tahay 100 qof, halka dhaawacu uu gaarayo 300 oo qof.

“Ilaa iyo haddda tirada dhaawaca iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa, dhimashadu waa 100, dhaawacuna waa 300 ku dhawaad” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in ay gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadka ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaskii ku waxyeeloobay weerarka.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku dhinteem qaraxyadii shalay ka dhacay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST