Qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ka dhaceen agagaarka Isgoyska Soobe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyada ka dib ay maleyshiyaad gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa sida wararku sheegayan waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawac leh inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Weriye Maxamed Ciise Koona iyo taliyihii saldhiga degmada Hodon Xuseen Cadceed Cismaan ayaa kamid ah dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in weli rasaas laga maqlayo nawaaxiga qaraxyadu ka dhaceen.

PUNTLAND POST