Warar kala duwan ayaa xaqiijinaya in mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay dadaal ku bixinaya fara-gelinta doorashada guddoonka dalladda ay ku midaysan yihiin bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA.
Doorashada guddoonka dalladda PUNSA ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto dhammaadka bisha November ee sannadkan waxaana hadda socda diyaar-garowga doorashadaas.
Madaxtooyada Puntland ayaa sida wararku sheegayaan diyaarisay qorshihii lagu fara-gelin lahaa doorashada guddoonka PUNSAA si loo soo saaro shakhsiyaad ay dowladdu wadato.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale diyaarisay dhaqaalihii loo isticmaali lahaa fara-gelinta doorashada PUNSAA sida aan xogta ku helnay.
Dowladda ayaa doonaysa in ay hoggaanka cusub ee PUNSAA ku soo saarto shakhsiyaad Madaxtooyada daacad u ah si ay ugu adeegsato barnaamijka doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod.
PUNTLAND POST