
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in argagixisada Al-shabaab ay ka go’antahay baabi’inta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan jirin cid ay dhaafayaan.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku baaqday in meel looga soo wada jeesto dhagarta argagixisada lana garab istaago ciidamada qalabka sida.
” Waxaynu ognahay oo maanta u cad dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in Argagixisada ay ka go’an tahay baabi’inta Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed oo aysan jirin haba yaraatee cid ay dhaafayaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.