Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC oo wajahaya la-xisaabtanka Baarlamanka

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa wajahaya la-xisaabtanka Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanno kala duwan oo ka tirsan Baarlamanka ayaa noo xaqiijiyay in Ajandaha Kal-fadhiga 51-aad lagu daray in loo yeero guddiga TPEC.

La-xisaabtanka TPEC ayaa waxa ka dhalan kara in mudanayaasha Baarlamanku ay codka kalsoonida u qaadan haddii ay ku qanci-waayaan shaqadooda.

Ajandaha Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo maanta oo Khamiis ah.

PUNTLAND POST