Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay ayaa maanta la shaaciyay.
Qodobada ugu muhiimsan Ajandaha waxaa kamid ah in loo yeero guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland si loola xisaabtamo.
In loo yeero wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland si wax looga weydiiyo soohdimaha muranka dhaliyay ee ay u samaysay degnooyinka ayaa sidoo kals kamid ah Ajandaha.
Waxaa sidoo kale ku jira soo bandhigidda warbixinta guddigii loo xil-saaray qiimaynta la-xisaabtanka xukuumadda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.