Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah fulisay

Maxmamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka ka tirsanaa Daacish.

Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax ayaa lagu Fuliyay dilka toogashada ah oo ay horay ugu ridday maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Labada nin ayaa sida maxkamadu sheegtay waxay Daacish u qaabilsanaayeen Muqdisho iyo Boosaaso oo ay dilal kala duwan ka gaysteen.

PUNTLAND POST