Madaxweyne Xasan sheekh oo la-taliye u magacaabay Prof. Juurile

Prof. Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) in uu noqdo la-taliye sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga”.

Prof. Juurile ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

PUNTLAND POST