Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 78 ee 26-ka Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid  Agaasimeyaal Guud.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimdooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqani Yuusuf Daahir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

2. Waxaa Cabdirisaaq Cali Cartan loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD