Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta  furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigaanka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland  u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

PUNTLAND POST