Galmudug oo bogaadisay Ciidamadii degaanka Qaayib ka saaray Al-shabaab

Madaxtooyada Galmudug ayaa bogaadisay howlgalka ciidamada xoogga Dalka, daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaankaba ay Al-shabaab kaga saareen degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegtay Galmudug.

Qaayiib waa degaan ay inmudda ah fariisimo ku lahaayeen kooxaha Al-dhabaab halkaas oo sidoo kale ay ku taallay maxkamad Shabaabku keeyihiin.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

PUNTLAND POST