Muqdisho (Faallo PP) — Muqaalka nin askari ah ku sugan Kismaayo oo lulaya wax uu ku tilmaamay madaxa mid ka mid ah dagaallamayaashii Al-shabaab oo soo weeraray hoteel waxaa ka muuqata in dagaalka lagula jiro Al-shabaab uu isu beddelay ku tartanka xubnaha jirka maleeshiyada mootan ee ururka xagjirka.
Askariga Kismaayo ku sugan wuxuu ka codasaday guddoomiyaha Hiiraan, Jeyte, lacag uu dhaafsado madaxa uu soo jaray waayo muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay inay muujinayaan Jeyte oo abaalmarin siinaya nin soo jaray wax lagu sheegay xubinta taranka dagaallame Al-shabaab ahaa oo dagaal ku dhintay.
Waa in dowladda federaalka iyo culimadu ka digaan falalka ka baxsan diinta Islaamka. Haddii madaxda maamul goboleedyadu raalli noqdaan ku abaalmarinta askarta jarjaridda maydka Al-shabaab sidee bay u dhowri karaan maxaabiista Al-shabaab? Sow suurtogal ma aha in ciidan beeleeyada askartoodu geystaan dilal iyagoo doonaya inay xubnaha jirka qof mootan abaalmarin ku doontaan? Waxaa la gudboon dowladda federaalka inay joojiso falalka meel ka dhaca ku ah diinta Islaamka, bixinayana sawir ceeb ku ah Soomaaliya.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.