Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka ku saabsan in dad ku bara-baxeen daadkii habeen ka hor ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Guddi xukuumadda Puntland u saartay qiimaynta khasaarihii dhacay ayaa warbixin uu soo saaray ku caddeeyay in aysan jirin dad ku bara-baxay daadkaas.
Guddiga ayaa xaqiijiyay in hal qof oo rag ah uu ku dhintay daadka islamarkaana uu saameeyay ganacsiga yar yar ee magaalada.
Guddiga ayaa ku baaqay in qashinka daadku reebay la maareeyo si aysan uga dhalan xanuunno waxaana uu sidoo kale soo jeediyay in la dardar geliyo qorshaha xalka waara ee magaalada looga moosayo biyaha.
PUNTLAND POST