Telefishinka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in la soo af-jaray hawlgalkii ka socday Hotel Tawakal Kismaayo.
Telefishinka Jubaland TV ayaa sheegay in dhammaan la dilay kooxdii weerarka fulisay ee ka dagallamayay gudaha Hoteelka.
Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadday hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo dhacay waxyar kadib salaaddii duhur ee maanta ayaa ku bilowday qarax kadibna koox hubaysan ayaa galay huteelka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.