Dowladda Soomaaliya qaadday Tallaaba cusub oo ka dhan ah Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay lambarro gaar ah oo lagu soo gudbin karo xogta dadka Al-shabaab u qaabilsan lacag ururinta.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay farriinta ka soo baxday dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tabababaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ayaa ganacsatada xasuusiyay in ay ka feejignaadaan in hantidooda loo adeegsado hub lagu laayo shacabka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in go’aanka loo qaaday, si loo xoojiyo dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST